Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Fowsiyo oo cambaareysay dhalinyaradii lagu dilay Gololey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay falka wuxuushnimada ah ee lagu xasuuqay howl-wadeenada caafimaadka ka howlgalayay deegaanka Gololey ee degmada Balcad, goblka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka caafimaadka ayaa falkan ku tilmaamtay mid nasiib darro ah, iyadoo xustay in hawlwadeennada caafimaadka ay ku jiraan xilligan adag oo ay la tacaalayaan xakameeynta caabuqa COVID-19 oo kusii baahaya dalka oo idil.

“Wasaaradda Caafimaadka waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo bulshada Soomaliyeed, waxayna Ilaahay uga baryaysaa marxuumiinta inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo bahweynta caafimaadkana samir iyo iimaan ka siiyo”. ayey tiri wasiir Fowsiyo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay “Waxaan murugada la qaybsanaynaa bulshada iyo bahda caafimaadka, waxaana dalbanaynaa in cadaalad ay helaan Howlwadeenaadaas lagu xasuuqay Gololey”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this