Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Walters Samah oo ‘shaqadiisa ku waayey 5 eray oo ay dhibsatay’ Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay shaqo ka ertyid lagu sameeyey Dr. Walters Samah oo madax ka ah qeybta xog taxliilinta AMISOM.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in Dr. Samah la cayriyey kadib markii uu bixiyey comment kooban oo ay dhibsatay Villa Somalia, sida uu yiri. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan.

War illeyn comments baacsigii Villa Somalia wuxuu gaaray beesha caalamka. Dr. Walters Samah oo madax ka ah qeybta xog taxliilinta AMISOM ayaa sida uu sheegay shaqadiisa ku waayey comments shan eray ah oo uu ka dhiibtay wareysi uu Matt Bryden siiyey taleefishinka France24. Waraysiga ayaa la xariiray weerarkii ay Al-Shabaab ka geysteen EX-Koontarool Afgooye 28/12/2019-kii ayna ku dileen in ka badan 80 ruux. Waraysiga oo la soo geliyey bogga taleefashinka ku leeyahay LinkedIn ayaan comment 5 eray ah saaray buu yiri Dr. Walters, anigoo ku qoray.

“waa sax, waa waraysi mug leh”

Muddo kaddib ayaa Ambasador Madera, oo isagu ah Ergeyga Midowga Afrika Soomaaliya u qaabilsan, wuxuu iigu yeeray xaafiiskiisa. Wuxuuna ii sheegay in dowladda Soomaaliya ay dacwo ka tahay comments aan waraysiga ka bixiyey, waxayna sheegtay in aan taageeray wareysi dowladda looga soo horjeedo.

Waxaan ku iri waraysigaas waxba dawlada looga sheegin. Taxliil macquul ah ayuuna ahaa waadna dhagaysan kartaa. Waxaanse waydiiyey buu yiri Dr. Walters qoraalkii la igu soo dacweeyey iyo cidda i soo dacwaysay. Madera oo Laptop kiisa wax ka aqrinaya ayaa ii dhaafi waayey waa lagu soo dacweeyey. Mar danbe ayuu ii sheegay in uu i soo dacweeyey La Taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowlad la taliyaheeda amniga qaranka uu baacsanayo comments meelo lagu qoray, ma kula tahay in dowladdaasi amni qaran noogu maqan tahay?

Tani waxey i soo xasuusisay hadda ka hor ayaa nin agaasime ka ah wasaaradaha Dowladda Federaalka ah wuxuu igu yiri ‘Guddoomiye faallo (comment) togan oo aan hadda ka hor ka bixiyey qoraal aad bartaada Facebook soo dhigtay ayaan shaqada ku waayi gaaray, mararka qaar haddii aad aragto aniguu ku baacsanaya ogow daacadnimo muujin ayey iga tahay ee ma aha in aan kaa soo horjeedo’

Sow waxani kalsooni darri ma dhaafin oo dhaqan xumo uma tillaabin? Sow dhaqan kali-talis oo tabar la’aan ah maaha? Ka warrama haddii ay qoladani awood lahaan lahayd? Ma oga miyaa in Soomaali xor tahay oo aan hadalkooda la xakamayn karin. Sow ma oga in in badan oo ka mid ah internet iyo mobile haystaan, in kaloo badanna dunida xorta ah ku nooshahay?

Wallee N&N waxooda waa naf la caarinimo, eelka ay reebaan se muddo wuu ina haysan doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this