Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaamka Mudulood oo dalbaday hal arrin oo ku aadan dhacdadii GOLOLEY

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Imaamka beelaha Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Dalsan ayaa si adag uga hadlay falkii lagu laayey dhalinyaradii lagu xasuuqay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Imaamka ayaa ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dadajisyo baaritaanka ku aadan dhacdadaasi, si cadaaladda loo marsiiyo dadkii ka dambeeyey.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray Ehellada, Qaraabadda iyo Umadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen raggii dhalinyarada ahaa ee lagu toogtay halkaasi.

“Waxaa badatay baaris aan meeley ku dhamaatay la aqoon sidaad darteed waxaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka codsanayaa in la dadajiyo natiijada baartinaaka raggii dhalinyarada ahaa ee lagu laayey Gololey.“ ayuu yiri Imaamka.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe inay il gaar ah u yeelatao dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee lagu leynayo dadka wax-galka u ah bulshada.

Falkaan oo ahaa mid argagax leh ayaa waxaa lagu eedeeyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, inkastoo war ka soo baxay taliska Xoogga lagu beeniyey eedeyntaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this