Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka amniga Galmudug oo kormeeray xero ku taalla Mudug + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ayaa kormeer ku tagay xerada tababarka ciidanka ee Indha Qaris oo ku taala duleedka bari ee deegaanka Docal ee Gobalka Mudug, halkaas oo lagu wado in tababar iyo dhaqancelin loogu sameeyo maleeshiyaadka ku sugan Gobalka Mudug, kuwaas oo maamulku rabo in ay ka mid noqdaan ciidamada daraawiishta Galmudug.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay waday qorshayaal lagu dar dar galinayo amniga deegaannada Galmudug, sidoo kalana wax looga qabanayay dhibaatooyinka maleeshiyaadka hubeysan ee aan cidna ka amar qaadan ay ka geysan jireen deegaannada Gobalka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Xerada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu xareeyo gaadiidka dagaalka ee ay heystaan beeluhu

Kormeerka Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

4d60374f-0073-4bb2-9ce2-7808e2366b02.jpg 09d96847-230f-4d84-9faf-a375a45c90c7.jpg 85c205af-f98c-413b-a5bd-a9ff0b4f3342.jpg 0760a934-ab81-4cf6-8d3a-eb51bf7af152.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this