Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF Somalia oo ‘howlgal kusoo furtay dad u afduubnaa’ Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ay ka sameeyeen gobolka Baay, waxa ay sheegeen in ay ku soo furteen dad Shacab ah iyo xoolo ay afduubteen Al-Shabaab.

Dadkan shacabka ah ayaa waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku haysteen deegaanno ay ciidamadu ka sameeyeen hawlgalka, sida uu sheegay taliska ciidamada.

Saraakiisha hoggaaminayay hawlgalka ayaa waxa ay sheegeen in howl-galka oo laga fuliyey deegaanno ay ka mid yihiin Buur Ayle, Walaq iyo qaar kale, ay sidoo kale ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay sheegeen Saraakiishu in dadka shacabka ah deegaankaasi ay ku dhibaateyn jireen deegaannada ay tageen, iyagoo sheegay in ay dib ugu soo celiyeen xoolo ay ka dhaceen Al-Shabaab.

Ciidamada ma aysan shaacin tirada dadka lasoo furtay iyo muddada ay ku jireen gacanta kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan xirta dadka diiday amarradooda, gaar ahaan kuwa ka hor-yimaada inay bixiyaan xoolaha ay kooxdaas ku qaadato zako ahaanta.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan, hawlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this