Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Baarlamanka Puntland oo Qorshe u degay haddii la xallin waayo khilaafka Deni iyo Karaash!

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-Karaash-1.jpg?w=1000&ssl=1

Waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku muransan awoodaha Dastuuriga ah ee mid kasta leeyahay iyo shaqada dowladeed ee ka dhexaysa labada mas’uul.

Isku dayo kala duwan, oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, ayaa qaarkood fashil ku dhammaaday, inkastoo ay weli socdaan dadaallada ku wajahan xallinta murankaasi.

Sidoo kale, Puntland kama dhisna maxkamad Dastuuriya oo kala saarta labada mas’uul, maadaama ay ku muransan yihiin awoodo Dastuuriya, haddii ay fashilmaan dhammaan dadaallada ku jihaysan xallinta Khilaafkooda.

Haddaba, mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Puntland oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post in u xaqiijiyay, in uu Baarlamanka dhexdiisa ka socdo qorshe hoose oo ku wajahan khilaafka labada mas’uul, haddii la xallin waayo ka hor Kalfadhiga Baarlamanka oo ku beegan 15-June-2020.

Qorshahaas oo ay wadaan xildhibaanno miisaan ku dhex leh Baarlamanka, ayaa lagu doonayaa in mooshin looga keeno Golaha Wasiirada, kadibna dhammaantood la rido, haddii xal loo wayo khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay ku hawllan yihiin in isla Qorshahaas la yeelo oo Golaha Wasiirada la rido, haddii madaxweyne Deni ama madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash midkood mooshin laga keeno, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed.

Balse, Qorshaha Baarlamanka laftiisa, ayaa u baahan odoros siyaasadeed oo miisaami kara, Natiijada ka dhalan karta Ridista Xukuumadda iyo wejiga ay u yeeli karto Khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

PUNTLAND POST

The post Xog: Baarlamanka Puntland oo Qorshe u degay haddii la xallin waayo khilaafka Deni iyo Karaash! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this