Deeq A. Posted May 29, 2020 XASUUSTII PROF-ABUBAKAR SH. ABDI SH. MUHUMED. Allaha u naxariistee waxa god galay aqoon yahan qiima badan ku dhex lahaa ehelkiisa iyo guud ahaanba ummadda Soomaal. Prof- Abubakar Sh. Abdi waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii dhidibada u taagay Amoud University dabayaaqadii 90 aadkii. Waxana uu ahaa hormoodkii ugu horreeyey ee KULIYADDA BEERAHA AMOUD. TAARIIKHDA PROFISSOR-KA OO KOOBAN. Prof-Abubakar waxa uu ku dhashay magaalada Wajaale sannadkii 1950 kii. Markii uu bar baaray ee uu Qur’aanka bartayna, waxa uu sannaddii 1960 isla magaalada Wajaale ka bilaabay waxbarashadiisii dugsigii hoose. Dugsiga sare ee Faarax Oomaar waxa uu dhammaystay sannadkii 1971, kadibna waxa uu galay dugsigii la odhan jiray Bootiko, ee markii danbe loo bixiyey XALANE. 7 ba bilood ayeyna tababar ciidan ku qaateen isaga iyo ardaydii ay isku filka ama xilliga ahaayeen. Sannadkii ku xigtayna waxa uu Prof. Abuubakar ka mid noqday macallimiintii shaqo qaran ( National Service ) ka gashay dugsiyada Hargeysa. Markii uu AUN Abubkar Sh. Abdi soo dhammeeyey sannadkii shaqada qaran, waxa uu toos u galay kuliyaddii Waxbarashada Lafoole, halkaasi oo sannadkii 1973 kii uu ka bilaabay waxbarasho afar sano soconaysey, waxanu ku takhasusay cilmiga Biology ga. 18 kii May sannadkii 1976 kii waxa uu ka qalin jabiyey kuliyaddii Lafoole, kadibna waxa uu macallin ka noqday dugsiga sare ee Sh. Ali Jawhar ( Borame ). Muddo shan sano kadibna waxa uu u wareegay kuliyaddii Lafoole oo uu bare sare ka noqday. Bilowgii siddeetanaadkii waxa Abubakar waxbarasho sare loogu diray dalka boqortooyada Ingiriiska. Muddo laba sano ahna waxa uu MASTER DEGREE oo cilmiga dhaqashada digaagga iyo beeraha ah uu ku sameeyey Jaamacadda la yidhaa COOKSTOWN COLLEGE ( Ireland ) iyo Edenbrough University ( Scotland ). Markii uu dhammastay waxbarashadiina waxa uu dib ugu noqday Jaamacaddii Lafoole ee uu baraha sare ka ahaa. AUN Abubakar waxa uu ahaa muwaadin jecel dalkiisa, ku iimaan qaba shaqadiisa macallinimo ee mihnaddiisa u ahayd. Marnabana kumuu milmin siyaasadaha iyo dagaallada sokeeye ee halaagga baday dadka Somaliyeed. Sidaasi daraaddeed, markii uu Muqdisha ka soo qaxay, waxa uu ka mid noqday aqoon yahannadii reer Awdal ee mar walba u tafo xaydnaa sidii ay jiilka dalan baabiga ahi waxbarasho u heli lahaayeen. Aakhirkiina waxa uu ka mid noqday halyeyadii dhidibada u taagay Jaamacaddii Amoud ee ugu horreysey lagana hir geliyo dalkii baaba’ay ee la isku odhan jiray Somalia. Prof – Abubakar waxa uu ifka kaga tegey 4 wiil iyo siddeed gabdhood iyo hooyadood Hamda. Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo dhammaantoodba. Aaammiin Ahmed Goth Qaran News Share this post Link to post Share on other sites