Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo si kulul u cambaareysay dhalinyaradii lagu dilay Gololey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, ahna isku duwaha arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaale caafimaad ahaa iyo qof kaloo rayid ah oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku tiillay tuulada Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mr. Adam Abdelmoula waxa uu xusay in aan la aqbali Karin dilka shaqaalahaasi, islamarkaana ay tahay mid xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ee arimaha baniaadanimada iyo hab-haqanka caadiga ah.

“Waa nasiib daro in weerarkaan uu dhaco xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso dhibaatooyinka sadexda ah ee safmarka COVID-19, fataahaadaha iyo masiibooyinka kale ee uu la yimid ayax”ayuu yiri Abdelmoula.

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, ahna isku duwaha arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoul waxuu ugu dambeyn tacsi u diray  qoysaska dadka la dilay,isagoo dhinaca kalana cambaareeyay falkaasi arxan darida ah ee lagula kacay shaqaalahaasi caafimaad.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this