Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibad-bax ballaaran oo maanta ka dhacay degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta oo Jimco ah banaanbax ballaaran uu ka dhacay gudaha degmadaasi.

Dibad-baxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday dhalinyaradii shalay lagu laayey deegaanka Gololey oo hoostaga degmadaasi.

Sidoo kale dibad-baxayaasha oo Maryo gaduudan ay madaxa ugu xirnaayeen ayaa DF iyo HirShabelle ka dalbaday in cadaallada la horkeeno dadkii geystay falkaasi.

Allaha u naxariisee dhalinyarada la laayey oo sideed ahaa ayaa todobo ka mid ah waxa ay ahaayeen shaqaale caafimaad, halka qofka kale uu ka mid ahaa dadka deegaanka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

3-14 1-17 2-17

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this