Sign in to follow this  
Deeq A.

Zamzam Foundation oo ka warbixisay dhacdadii shalay ee Gololey

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Zamzam Foundation ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay habkii ay “ciidamada” u wateen sideed dhallinyaro, oo kadib markii la soo dilay meydkooda la soo dhigay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhallinyaradaas ayaa sida ay hay’adda sheegtay waxay “ciidamada” ka wateen xarun caafimaad oo ay hay’addu maamusho oo ku taalla deegaanka Gololey.

Hoos ka aqris qoraalka hay’adda oo dhameystiran.

Abaare 1:30 duhurnimo shalay oo ay taariikhdu ahayd 27/5/2020, waxaa xarunta caafimaadka Gololey (Gololey Health Facility), oo ka trisan degamada Balcad oo ay maamusho hay’adda Zamzam foundation soo galay ciidan ku labisan dareyska ciidanka oo hubaysan wejiyadana qarsaday waxayna kaxaysteen 7 ka mid ah shaqaalihii xarunta caafimaadka iyo qof ka mid ah dadka deegaanka, lamana garan halka ay u kaxaysteen.

Baadigoob kadib, waxaa la helay maydadka 8-dii qof ay ciidanka afduubteen.

Shaqaalaha la xasuuqay ayaa ku sugnaa marka falka afduubka dhacayay xaruntooda kuna guda jiray hawlahooda caafimaad oo ay bulshada ugu adeegayeen.

Hay’adda Zamzam Foundation waxay cambaareyneysaa cidwalba oo ka dambeysay dilka xasuuq ah.

Waa dil wadareed arxan darro ah kana baxsan bani’aadanimada oo loo geystey dad berimageyda ah oo aan waxba galabsanin.

Waxaan hay’adaha amniga qaabilsan ee maamul goboleedka HirShabeelle iyo dawladda dhexe ka codsaneynaa in baaritaan dagdag ah lagu sameeyo falkaas xasuuqa a , ciddii ka dambeyseyna sharciga la horkeeno.

Ugu danbeyn, waxaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa dhamaan qoysaskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka geeryoodeen marxuumiinta waxaan eebe ka baryeynaa inuu naxariista jano ka waraaabiyo.

انا لله وانا اليه راجعو

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this