Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay dhalinyaradii lagu dilay Gololey

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-Shabaab oo war ka soo saartay dhalinyaradii lagu laayey deegaanka Gololey ayaa iska fogeysay, iyadoo falkaasi ku eedeysay ciidamada DF Soomaaliya.

Meydadka illaa 8 qof dhalinyara ah ayaa shalay la soo dhigay deegaankaasi oo dhaca duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ma jirto illaa hadda cadeyn rasmi ah oo ka madax banaan labada dhinac oo ku aadan dhacdadaasi, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in dhalinyarada ay markii hore afduubteen ciidamo ka tirsan kuwa DF oo afka soo xirtay, kadibna la helay meydadkooda.

Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka HirShabelle oo la xiriira falkaasi xanuunka badan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this