Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ma Jiraan Wada Hadalo U Dhaxeeya Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Si Qarsoodi Ah U Socdaa” Wasiir Saleebaan Cali Koore

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa beeniyey war sheegayey in wada-hadallo hoose u socdaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiir Koore oo ah Afhayeenka Xukuumaddu waxa uu caddeeyey in Soomaaliya ay hore u jabisay dhammaan heshiisyadii lagu gaadhay shirarkii hore. Waxaanu tilmaamay in sida kaliya ee ay kula hadli karaan Soomaaliya ay tahay fagaare caalamiya

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo u warramay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aanay Dawladda Muqdisho u fuli doonin iskudayada ay ku doonayso inay ku farogeliso JSL, waxaanu xusay in ummadda reer Somalilan ay yihiin kuwo qaranimadooda ku adag.
Wasiir Saleebaan waxa kaloo uu intaas ku daray in Xukuumadda Somaliland ay indho dheer kula socoto galaangalka ay Dawladda Farmaajo ku doonayso inay ashkhaas u adeegsato Somaliland kuwaasi oo ka taageera Saxaafadda iyo baraha bulshada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this