Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo ka hadashay dhalinyaradii lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Galoleey ( Caasimadda Online) – War saxaafadeed kasoo baxay Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii tuulada Galoleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay 7 dhalinyaro ah iyo hal qof oo rayid ahaa.

Waxaa uu soo jeediyay in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdada lagu dilay dhalinyarada.

“Marnaba lama aqbali karo in la weeraro shaqaalaha caafimaadka taasi oo xaadgudub ku ah xeerarka arrimaha banii’aadanimada”

Qaramada Midoobey waxay sidoo kale sheegtay in dilka howlwadeenadan caafimaadka uu imaanayo xilli dowladda Soomaaliya ay la daala dhaceyso xakameynta safmarka Korona, wax ka qabashada daadadka iyo saameynta ayaxa.

“Waa nasiib daro in weerarkaan uu dhaco xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso dhibaatooyinka sadexda ah ee safmarka COVID-19, fataahaadaha iyo masiibooyinka kale ee uu la yimid ayax”ayuu yiri Ku xigeenka .

Shaley galinkii dambe ayay aheyd markii maydadka 8 dhalinyaro ah lagu arkay duleedka deegaanka Gololeey oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaas oo isla shalay laga qafaashay deegaanka.

Ma cadda cidda afduubatay iyo cidda ka dambeysa dilkooda toona.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this