Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar qarax ku soo dhaawacantay oo la keenay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in 8 askari oo shalay ku dhaawacantay qarax miino oo lagula eegtay duleedka degmada Awdheegle loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi-Ladiif oo ah sarkaalka u hadlay milatariga Soomaaliya, islamarkaana wareysi siiyey Shabelle ayaa tilmaamay in qaraxa ciidamadaasi lagula bartilmaameedsaday deegaanka Aw-Faarax, xilli ay saad u soo wadeen ciidamada Jooga saldhigga Awdheegle.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab ay ku naf-waayeen illaa shan askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Awdheegle.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this