Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Balcad oo shaaciyey inay baarayaan dhacdadii Gololey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaasim Cali Nuur oo u warramay Shabelle ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan fal lagu laayey illaa sideed dhalinyaro ahaa oo meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololey oo hoostaga degmadaasi.

Qaasim ayaa sheegay inay tuhmayaan in dhacdadaasi xanuunka badan ay dambeeyeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ummadda Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan natiijada ka soo baxda baaritaanada ay haatan wadaan.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Turki-2.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this