Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada oo ku dhowaaqday hay’ada cusub ee tirokoobka qaranka iyo maamulkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya waxaa Agaasime cusub iyo ku xigeenkiisa loogu magacaabay hey’adda madaxa banaan ee tirakoobka qaranka, oo ah hay’ad cusub oo dowladda ay sameysay.

Hey’addan oo dhawaan la aas-aasay ayaa agaasimaheeda loo magacaabay Sharma’arke Faarax, iyadoo agaasime ku xigeena loo magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Daahir.

Qoraal kasoo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in Agaasimaha cusub ee Sharma’arke uu horay u ahaa la-taliyaha Ra’iisul wasaaraha ee dhanka dhaqaalaha iyo isku duwaha Qaramada Midoobey .

Sidoo kale waxaa lagu xusay qoraalka in agaasimahan cusub lagu xushay khibrad dheer oo uu leeyahay, waxaana la sheegay in uu kasoo shaqeeyay cilmi baaris xaga dhaqaalaha iyo hormarinta waaxda bulshada oo ay kamid tahay hoggaaminta doorka khubarada farsamada UN, World Bank, DfID iyo USAID.

Sharciga tirakoobka qaranka ayaa la ansixiyay bisha Febraayo ee sanadkan, waxaana lagu maamuli doonaa guddi leh agaasime iyo agaasime guud.

Guddigaas waxa uu ka shaqeyn doonaa hey’addan tirakoobka qaranka, oo sameyn doonta siyaasadaha dalka, sidoo kale dejin doontaa xeerarkeeda gudaha iyo shuruucda tirakoobka iyo sahamin guud oo ka dhici doonta Soomaaliya.

Hey’adda tirakoobka qaranka waajibkeeda koowaad waa soo uruurinta, kala dhig dhigidda, baahinta xogta rasmiga ah ee dhaqaalaha dalka, bulshada, iyo tirakoobka guud ee qaranka.

Ahmiyadeheeda deg deg ah waxaa ka mid ah xoojinta tayada, soo saarista xogta, iyo faafinta tirakoobka dhaqaalaha, oo ay ku jiraan horumarinta wax soo saarka GDP-ku saleysan qiyaasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this