Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay wasaarada caafimaadku u gudanwayday waajibaadkeeda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa shacabkeena Somaliland wareeriyey 29 sanno Ictiraaf. Aqooni waxay u baahan tahay maskax qaadi karta hagi karta ee maaha, wax baan Akhrin karaa qori karaa, waan u soo halgamey, masuuliyadaasi waxay u baahan tahay shakhsi leh, maskax, garsoorid, aragti fog, dejin siyaasadeed, hogaamin aabenimimo leh iyo shuruudihii horumarineed ee himiladooda lahaa.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waa hey’ad dowladeed oo qaranka mas’uul looga dhigay arimaha ku saabsan adeega caafimaadka dadweeynaha, miyi iyo magaaloba, barri iyo galbeed ba, Sida korinta caruurta, cuduradda faafa..iwm.. Waxa is weydiin leh ma gudatey waajibkeedii 29 sanno? haddii aysan gudan maxaa dib u dhac ku sameeyay.? maxaase keenay cusbitaalo gaar loo leeyahay oo fara badan.?

Somaliland waxaa ragaadiyey 29 sanadood, oo naafeeyey horumarkeeddi bulsho iyo keedi dhaqaalaba, aafada (Musuqmaasuqa) oo xalaal ka dhex noqotay hay’adaha dawladda ee kala duwan, iyadoo musuqmaasuqu noqday wax aan layskula yaabin balse loo tartamo oo layskula yaabin. Horseedeyna maamul xumo oo la lumiyey adeegii bulshadda, sida maanta Cisbitaaladii waaweynaa ee dalka looga waayey (OXGYEN).

Maanta adduunkii Covid-19 baa jira wuxuuu ku faafi karaa dhibco yar yar oo illi ma qabatey ah, sida candhuuufada ama hab dhiska neef mareenka, qufaca iyo hindhisada, ka taxadirra inaad qof kale ku dhowaatid.

PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)
ANKARA, TURKEY

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this