Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilal koox hubeysan ay ka geysatay Muqdisho oo sababay dilal kale oo sokeeye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dil maanta ka dhacay xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid oo koox bastoolado ku hubeysan ay u geystee Ugaas caan ahaa iyo askari ilaalo u ahaa ayaa goobtii lagu aasayey meydka labadaas marxuum waxaa ka dhacday shaqaaqo kale oo qof ku dhintay ku kalena ku dhaawacmay.

Labada marxuum ee markii hore la dilay waxay kala ahaayeen Ugaas  Xuseen Maxamed Daa’uud iyo askari ilaalo u ahaa, waxaana la sheegay in kooxdii geysatay dilkaas ay goobta ka baxsatay.

Intii lagu howlanaa aaska labadaas marxuum, waxuu muran xoog leh ka dhex dhashay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya iyo Nabadoon lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Caweeye, kuwaas oo kasoo wada qeyb galay aaska.

Wasiir ku xigeenka dakadaha iyo gaadiidka badda ee maamulka Hir-Shabeelle Xuseen Maxamed Tuuryare oo ka mid ah ehellada ugaaska, isla markaana ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay aaska oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey sida ay u dhacday shaqaaqadaas.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in muranyar kadib uu sarkaalka booliska ah toogtay Nabadoon Maxamed Cumar Caweeye, iyadoo halkaas uu ku dhaawacmay sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka Asluubta, kaas oo isku deyayey in uu kala dhex galo nabadoonka dhintay iyo sarkaalka dilay.

Sarkaalka ka tirsan ciidanka Asluubta eek u dhaawacmay goobtaas waxaa lagu magacaabaa Mustaf Sheekh Cali, waxayna tirada guud ee dhimashadu gaartay seddax qofood, dhaawaca hal kale.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in shaqaaqada uu ku dhintay nabadoonka dambe ay haatan xalkeeda u fadhiyaan ehellada labada dhinac oo sida uu sheegay ah dad aad isugu dhaw oo qaraabo ah.

Hoos ka dhageyso weysiga Xuseen Maxamed Tuuryare wasiir ku xigeenka dakadaha Hir-Shabeelle

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Husen-M-Turyare-WasDekedaha-Iyo-Gadidka-hirshabele.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this