Deeq A. Posted May 28, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay xasuuqii deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe loogu geystay sideed qofood oo sida la sheegay badankood ahaa xir-fadleyaal caafimaad. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad u cambaareyneyso dhacdadaas xanuunka badan. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaarayneysaa ficilka argagaxa leh ee ka dhacay tuulada Gololey oo hoostagta Dagmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, kasoo lagu laayay 8 qof oo rayid ah,” ayaa lagu yiri. Xukuumadda ayaa dhacdadaas ku eedeysay ururka Al-Shabaab, “Ficillada nuucaan oo kale ah oo lagu xasuuqo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaa ku caan baxay kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka. Si kastaba dadka deegaanka iyo odayaasha beesha dhallinyarada la xasuuqay ayaa falkan ku eedeeyey ciidamada militariga Soomaaliya. War-saxaafadeedkan kasoo baxay dowladda federaalka ayaa tacsi loogu diray ehellada dadkii lagu laayey Gololey, iyadoo Allaah looga baryey inuu u naxariisto dadkaas aan waxba galabsan ee la laayey. Ugu dambeyntii waxaa qoraalkan lagu sheegay in dowladdu ay amartay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhacdadaas, isla markaana gacanta lagu soo dhigo dembiilayaashii falkaas geystay. “Dowladdu waxay amartay in baaris deg deg ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo, oo cadaaladda la hor keeno” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan oo goor dhaw kasoo baxay xukuumadda. Share this post Link to post Share on other sites