Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydadka sideed dhalinyaro ah oo la soo dhigay duleedka degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya duleedka Balcad ayaa sheegaya in halkaasi la soo dhigay meydadka illaa 8 dhalinyaro ah oo shalay laga qafaashay deegaanka Gololey oo ka tirsan degmadaasi.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in qaarkood ay ka shaqeynayeen xarun caafimaad, halka qaar kalena oo daganaayeen Gololey, balse la watay kadib qarax shalay ka dhacay deegaankaasi.

Ma jirto illaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga maamulka Hirshabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka ku nool deegaankaasi oo haatan ay soo wajahday cabsi iyo walaac xoogan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this