Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo qarax lagula eegtay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gelinkii dambe ee maanta lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanka Lambar 50 iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen sideed kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay ka soo amba-baxeen deegaanka Lambar 50, kuna sii jeedeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Illaa iyo hadda wax faah faahin ah maamulka gobolka Shabeelaha Hoose kama bixin qaraxaasi uu khasaaraha ka soo gaaray ciidamada milatariga Soomaaliya.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala goosha deegaanada gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this