Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug Iyo Dhalinyarada Magaalada Cadaado oo Kawada Hadlay Xaaladda COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalinmadii shalay gaaray magaalda Cadado oo ay ka taagan tahay xaalada caafimaad darri  ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay qeybaha kala duwan ee dhalinyarada magaalada Cadaado.

Kulankaan ayaa looga arrinsaday doorka dhalinyarada kaga aadan wacyigalinta Bulshada iyo siddii loo xakameyn lahaa qatarta cudurka faafa ee #COVID19 oo fara ba,an ku haya magaalada Cadaado oo tiro dad ah ay ugu geeriyoodeen kuwa kalena ay la jiifaan.

Madaxweynaha Galmudug oo ay tahay markii ugu horeysay uu safar ku soo gaaro magaalada Cadado tan iyo markii loogu doortay magaalada Dhuuamareeb Madaxweynaha Galmudug ayaa dhalinyarada magaalada ku dhiiro galiyay inay kaalintooda ka ciyaaraan hanaanka dowlad wanaagga & dhismaha dowlad goboleedka Cusub ee Galmudug.

101051598_2985317551505253_4201986639930589184_o.jpg100882528_2985317274838614_7465510143862505472_o.jpg

101747518_2985317768171898_7461109043629654016_o.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

101416499_2985317128171962_8875571074192900096_o.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this