Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Meydka 8 dhallinyaro ah oo lasoo dhigay degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in deegaanka Gololeey oo hoostaga degmadaas galabta la soo dhigay meydadka 8 qof oo dhallinyaro ah.

Dhallinyarada, oo qaarkood shaqaale ka ahaa xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka, ayaa waxaa shalay afduubtay rag hubeysan, ayada oo kadibna meydkooda maanta lasoo dhigay laamiga deegaanka.

Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhallinyaro ah oo caan ka ahaa degmada Balcad, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dhacadadan naxdinta leh, iyo weliba cidda ka damebysay afduubka iyo dilka dhallinyarada.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this