Deeq A. Posted May 28, 2020 Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay iyo qof u geeriyooday cudurka. War ka soo baxay guddiga Somaliland u qaabilsan xakameynta cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 32 ka mid ah xanuunka laga helay, kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah, halka 1 qof oo ku noolaa magaalada Hargeysa uu geeriyooday. Dadka cudurka laga helay oo isugu jira 21 rag ah iyo 11 dumar ah ayaa waxaa ay kala joogaan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera oo kiisaska ugu badan laga helay, waxaana dadka cudurka laga helay ay da’dooda u dhaxeysaa 19 illaa 89 sano Jir. Ugu dambeyn guddiga ayaa sheegay in tirada guud ee cudurka Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay deegaannada maamulka Somaliland ay gaartay illaa 257 ruux. View the full article Share this post Link to post Share on other sites