Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukun dil ah fulisay

Recommended Posts

Deeq A.   
dhiigle.jpg?w=1000&ssl=1Bidix Gacan-ku-dhiigle Gaagaale midig Taliye Ammaan

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Khamiis ah dil ku fulisay Askari shan sannadood ka hor si bareer ah u dilay Taliyihii Ilalaada  Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Marxuum Xasan Shire Ammaan

Xukmanaha  oo lagu magacaabo Axmed Aadan Maxamed Gaagaale ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ku taal Magaaladda Boasaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana qisaasta dilka fuliyay wiil uu dhalay Taliye Xasan Shire Aamaan.

Qoyska Taliye Xasan Shir Amaan oo goobjoog ahaa ayaa soo dhaweeyay fulinta xukunka qisaasta, iyagoo u mahadceliyay Dowladda Puntland. Sidoo kale waxaa goojoog ahaa Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida.

Alle u naxariiste Taliyaha Xasan Shire Ammaan oo masuul ka ahaa ammaanka Garoonka diyaaraha Bosaso ayaa waxaa 7 bishii December 2015kii toogtay askariga maanta dilka lagu fuliyay, kaasi oo markii dambe baxsaday. Askarigan oo muddo saddex sanno baxsad ahaa ayaa ciidamada amnigu soo qabtay sanadkii hore.

Dhinaca kale, Maxkamada Ciidamada waxay xukuntay in dowladda Puntland ay diyo ahaan u siiso askariga dilka maanta lagu fuliyay 67 neef oo geel ah oo dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukun dil ah fulisay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this