Deeq A. Posted May 28, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Dagaalka oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay agagaarka Ceel-ka reer Jiinley oo ku yaalla halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo dil la xiriira aano Qabiil habeen hore ka dhacay deegaankaasi. Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday, xilli loo fadhiyey xalinta xiisada colaadeed ee u dhexeysa labada dhinac, islamarkaana garab ka mid ah maleeshiyaadka oo gaari ku yimid ay rasaas ku fureen goobtaasi, kadibna uu sidaasi ku bilowday iska hor imaadka labada beelood. Ugu yaraan 3 qof ayuu xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo 2 ka mid ah ay Odayaal yihiin, halka qofka 3-aad ay tahay gabar yar oo ka mid ah dadka deegaanka. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites