Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu dilay degmada Kaxda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay wiil dhalinyaro ahaa ku dileen waaxda saddexaad ee degmadaasi.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Muqtaar Nuur Ibraahim, ayaa waxaa la sheegay inuu caawiye u ahaa guddoomiye laameed ka tirsan maamulka Kaxda.

Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dilkaan aya qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo  ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this