Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbaxyo ay qeyb ka tahay Soomaalida oo ka socda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dibad-baxyo ay qeyb tahay Soomaalida ayaa weli ka socda magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, waxaana lagaga soo horjeedaa dil askari caddaan ahi uu u geystay nin bulshada madow ee Maraykanka ka soo jeeda, iyadoo ay isku bedaleen rabshado iyo bililiqo loo geystay labo dukaan oo waaweyn oo ku yaalla  koonfurta magaaladaasi.

Dibad-baxyada oo sii kordhayey Arbacadii ayaa sidoo kale lagu gubay ugu yaraan hal dukaan oo kale.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dibad-baxayaasha, ugana hor-istaagaan inay usoo gudbaan aag la hareereeyey oo ah halka lagu dilay George Floyd.

Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa dadka ku booriyey inay ka fogaadaan aagaas, oo u ku sheegay mid iminka xaaladeeda ay aad halis u tahay.

Dibad-baxayaasha ayaa dalabanaya in lasoo xiro oo shacriga la marsiiyo askartii ku lug lahayd dilka ninka madow, oo shaqada boolis ee magaalada laga eryey maalin ka hor.

Dhinaca kale Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis loogu geystay ninkii madowga ahaa George Floyd.

Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaas in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas.

Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd.

“Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in baaritaanno la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa”

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this