Deeq A. Posted May 28, 2020 Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubaysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ay xaafada Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileen Nabadoon caan ka ahaa xaafadaas iyo mid kamid ah ilaaladiisa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Nabadoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud, halka qofka lala dilay uu ahaa Mahad Maxamud Cadow (Mahad Uunsow) oo kamid ahaa ilaaladiisa. Dilka ayaa dhacay xilli ay labada marxuum fadhiyeen Maqaaxi laga Cabo Shaaha oo ku taalla Suuqa Caanaha, Agagaarka Masaajidka Xaaji Cabdi Indhooy ee Xaafada Suuq Bacaad. Dilka kadib Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta dilka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas. Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir wali wax faah faahin ah kama bixin dilka maanta ka dhacay Xaafad ka mid ah gobolka. Ma jirto cid sheegatay dilka Nabadoonka, inkastoo loo badinayo inay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab oo inta badan fuliso dilalka noocaan oo kale. Tan iyo markii kooxda Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho waxay dagaalkooda u beddaleen qaab kale oo dilal iyo qaraxyo qorsheysan ah. Share this post Link to post Share on other sites