Deeq A. Posted May 28, 2020 Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Xamarweyne waxaana la sheegay in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya. Goob-joogayaal ayaa ku soo warramay in qaraxaasi ka dhacay inta u dhaxeysa dhabarka dambe ee wadada marta guriga hooyooyinka iyo barxadda iskaashatooyinka. Sarkaalkii gaarigiisa loogu xiray qaraxa oo magaciisa lagu soo koobay Jaabir ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday qaraxaas. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas sida ay sheegtay warbaahinta taageerta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Khasaraha qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites