Deeq A. Posted May 28, 2020 Mataanaynta Hunguriga iyo Siyaasada. (Siyaasada ku dhisan Hunguriga) _________________________________ Self-interestedness culture in Politics ___________________________________ Q1aad: Akhristayaal waad salaamantihiin. Ciid Wanaagsan. Hunguriga iyo Siyaasada marka laysku Sooho , maxaa ku dhaca nidaamka Siyaasiga ee bulsho leedahay?. Si kale ,Hunguriga iyo Dowladniumada marka laysku qoosho , maxaa soo baxa ?. _________________________________ Bulshada huguriga iyo siyaasadu iska dhex galaan ee kala saari kari wayda (ninka hungurigu wado ee mustaqbalka caruurtaada ku socda iyo ka dantooda wada )sawir nooceeya ayay yeelataa?. ___________________________________ Hordhac : Qormadan aan ugu magac daray (Mataanaynta Image Hunguriga iyo Siyaasada) , waa mowduuc aan ku eegayo dhibaatooyinka hunguriga (qofka oo ka fekera kaliya sidii uu wax u heli lahaa) ku keento siyaasada bulshada ama dowladnimada , isagoo qofku iska dhigaaya siyaasi bulshada danaheeda ka shaqaynaaya , oo shaadhkaas gashan , meesha uu Hunguriga ka raadinayaana tahaydantii guud ee bulshada sida xafiis ama hayad Dowladeed iwm .( Thinking his/her own interest only). Qofku wax waa raadsan karaa , waana shaqaysan karaa , laakiin waxa kala duwan habka loo shaqo tago , markay tahay suuqa kale ee fursaduhu yaalan , iyo markay tahay in loo shaqo tago dowlada iyo markaad siyaasada galayso , waxa kala duwan mabaa’diida shaqooyinka ,waajibaadka iyo falsafada aad ku shaqo tagayso . Sideedaba waxa laysla waafaqsanyahay in qofka siyaasiga ahi yahay qof bulshada wax kusoo kordhin kara , oo fahamsan nolosha bulshadiisa , qiimeeyey waxa ka dhiman bulshadiisa , ka fekeray waxaa dhiman iyo habkii loo dhamaystiri lahaa , himo fog leh , jecel inuu bulshada taageero , magac katago iyo sharaf ,jecel inuu noqdo qof lagu daydo, lagu dayankaro, fahamsan tartaranka waddamada dunida ka dhexeeya , ee lagu tartamaayo amni , waxsoosaar , cadaalad , sinaan , aqoon, caafimaad , dowlad wanaag , isla xisaabtan , midnimo bulsho, dhaqaale,Siyaasad iwm, intaasi ay wado ,intaas ku darsaday karti iyo hogaamin, intaas isagoo ka shaqaynaaya, bulshada kaga hela mushahar u qalma , hoy wacan iyo maamuus . (Politician is a person experienced in the art or Science of government , engaged in conducting the affairs of the people and promoting life of the citizens ). Ninka intaasi wado ee siyaasada usoo gala habkaas waxaynu odhanaynaa waa siyaasi meeshuu doono haka gaadho . Waayo waxuu isu soo taagay inuu ilaaliyo , kana shaqeeyo danta guud ee shacabka , shaqadaasina ay saamaxdo in dalka , dadka iyo isaguba wax noqdaan . ninkaasi waa nin tagay hadal uma baahna kaliya taageero iyo in bulshadu ilaashato oo la shaqayso uun weeye. HUNGURIGA IYO SIYAASADA : #Hunguriga : waxaan uga jeeda waa qofka oo raadsada maslaxadadiisa gaarka ah , wax walba oo uu qabanaayona ku saleeya waxii maslaxadiisa u adeegaaya , maslaxadiisa ku tola wax kasta oo awooda oo uu haysto , aqoon , kibrad, xukun ,xil , ganacsi ,iwm . kana an ka hadlaayaa waa dadka jila inay siyaasiyiin yihiin iyagoo danahooda bka dhex baadhaya danta guud iyo waxay umadu wada leedahay. (The act of Considering the advantages to yourself when making decisions and deciding deciding to do what is the best for you). #Siyaasada : waa hanaan lagu maareeyo oo lagu ilaaliyo nolosha bulshada dhankasta oo ay tahay , caafimaad , waxbarasho , nabagelyo , siyaasad , sharci , cadaalad , ganacsi ,maalgalin , shaqo abuur iwm.Siyaasiga : waa qofka leh sifooyinka aan ku ku xusay iyo qaar kale oo badan. (Politics is an Art or Science of how to enhance the public affairs of the country). #Hadaba : Marka laysku linggaxo siyaasada iyo masaalixda shakhsiga ah ee ay ka hirgasho waddan inay mar walba xagga hore yimaadaan dadka ka addeegta siyaasada ee uga addeega dannohooda shakhsiga ah ee hungurigu wado , bulshaduna aanay dareensanayn , fursadna u helaan inay buuxiyaan dhamaan hayadaha dowliga ah ee u samaysan in bulshada loogu addeego, Waxa ka dhasha sidan hoose: (Consequences). 1. #dowladnimada marka aan ka eego dhanka dowladnimada (Government), waxaa dhaca sidan hoose: Dowladu waxay noqotaa dowlad tamar daran ,ku fashilanta dhamaan addeegyada bulshada , waayo waxa dhex ordaysa aragtida ah ka shaqayso , mataalo u shaqee oo magac iyo horumar keen , aqoonka iyo xirfada ayaa ku ag dhimata ,intaa danaysta yaasha ah ee xaga sare jooga kaliya ayaa is daawada ,is cajabiya ,malaha istaraatijiyad fikir oo lagu jaangoynaayo bulsha nolosheeda. Ma jiro qorshe fadhiya, waayo waxa lagu wada mashquulsanyahay dano gaara (vested interest),marka wax dhacaan uunbaa la hadlaa , muran qaylo ayaa laysla dhexqaadaa hebel u yeedha iyo hebel u yeedha . Ma jiro odoros siyaasadeed oo sal u ah siyaasada socota (there is no strategic thinking and Political Predictions ). Falsafada siyaasadeed ee ay qaataan danaystayaashu waa in dhamaan xogaha laga qariyo dadka, dadka la majaro habaabiyo iyadoo la adeegsanaayo warbaahinta dowlada iyo waxii kale ee la shaqaysta, beenta iyo Huuhaada ayaa badata, siyaasad aan fadhiyin oo kolba meel u ordaysa , kaliya ku mashquusha inay dadkeeda kala qaybiso si ay jaanis ugu hesho inay sii joogaan oo masaalixdooda ilaashadaan.(Hiding the reliable informations from the public and misleading). Taladu waxay ku koobantaa koox yar isku maslaxad ah (Bureaucratic system), kalitalisnimo, bulshada oo iska dhexweyda dowladeedii, dowladnimada oo lakala sheegto oo markaad wax ka sheegto dowladaadii ama aad Tilmaanto qaladaadka jira, koox MASLAXAD ilaashanaysa ayaaba kaa sheegan dowladii. Wada lahaansha iyo siyaasada loo dhanyahay ayaa meesha ka baxda (Elimination of the fundemantal principles of political equality). Dimiquraadiyada iyo doorashooyinka ayaa la laabaa (Absence democracy and elections). Khilaafaadka bulsha lama xaliyo (Inappropriate settlement of social disputes .) Distoorka iyo shacrciga ayaa layska laabaa (Violation of constitution and rule of law). Dhamaan tayada adeegyada bulshada sida waxbarashada , caafimaadka ,dhaqaalaha iwm ayaa meesha ka baxa. La soco qaybta 2aad. Abdirashid Hussein Yousuf Email :Gahaydhle@live.com Doha Qatar. Get Outlook for Android Qaran News Share this post Link to post Share on other sites