Deeq A. Posted May 28, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah M/ Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa guriga Hooyooyinka iyo dhabarka dambe ee barxadda iskaashatooyinta gaadiileyda gobolka Banaadir Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Dheere oo ka warbixiyey qaraxaan ayaa sheegay in gaarigiisa loogu xiray, Cabdishakuur Xuseen Cabdi Dhicisow oo ku magac dheeraa ( Jaabiri ), kaas oo ka mid ahaa saraakiisha Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale afhayeenka ayaa xaqiijiyey in qaraxa lagu dilay sarkaalkaasi iyo qof la socday, halka askari kale oo ilaaladiisa ka mid ah uu dhaawac soo gaaray. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay baahisay inay la bartilmaameedsatay, kuna dishay sarkaal ka tirsanaa Booliska Somalia. Halkaan hoose ka dhageyso codka afhayeenka gobolka Banaadir. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-1-Turki-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites