Deeq A. Posted May 28, 2020 Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goor dhow toogasho ka geystay xaafadda suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay, Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo askari ilaalo u ahaa, sida uu shabakadda warbaahinta Shabelle u xaqiijiyey, C/laahi Maxamuud Maxamed oo uu adeer u ahaa marxuumka. Wararka ayaa sheegaya in Ugaaska uu ka mid ahaa ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada BF, iyadoona raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta ka baxsadeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meesha uu dilku ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-ugaaska-la-dilay-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites