Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada iyo wasiirada Hawiye oo shir ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka iyo golaha wasiirada ee ka soo jeeda Beelaha Mogadishu Clan ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Doorbin ayaa waxaa looga hadlayey sidii gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan lahaa aqalka sare, xilli iminka la sugayo in go’aan la gaaro qaabka doorashooyinka dalka ka dhacaya uu gobolka ugu lug yeelan karo.

Guddi isku-dhaf ah oo ka kooban xildhibaano ka tirsan laba Aqal ayaa dhameystiraya sharciga doorashooyinka dalka, iyaga oo go’aan ka gaaray arrimo ay ka mid yihiin waxa laga yeelayo gobolka Banaadir iyo arirnta Somaliland.

Shirkii xalay ayaa waxaa ka qeyb gala guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, wasiirka ganacsiga Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, wasiir ku-xigeenka dekadaha Cusmaan Daallo, wasiir ku-xigeenka isboortiga iyo xildhibaano badan

Si kastaba ha’ahaatee kulankaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo haatan dalka uu ku jiro diyaar-garow ku aadan doorashada soo socota ee la filayo in la qabto 2020/2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this