Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo dhaleeceysay Booliska dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Rabashado ka dhashay dil nin madow ah ay u geyysteen booliiska magaaladda Minneapolis ayaa isku badlay rabshado ay khasaaro ka dhasheen oo waxaa la boobay dukaamo waawayn sida kan caanka ka ah dalkaas ee loo yaqaan Target.

Rabashadaha ayaa cirka isku sii shareeyay kaddib markii ay booliska Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta raabarka ah u adeegsadeen dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo sida ay sheegeen doonanayay iney si nabdoon uga mudaaharaadaan dilkaa loo geystay George Floyd.

Ilhaan Cumar ayaa booliska ku dhaleeceysay isticmaalka rasaasta cinjirka ah iyo sunta ka ilmeeysiisa ee dibadbaxyaasha Minneapolis, kuwaasi oo ka careysnaa dilka ay booliska u geysteen George Floyd oo ahaa nin madow ah.

“U adeegsashada rasaasta caagga ah iyo sunta ka ilmeysiisa dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo ay ku jiraan caruur, marka sidaa darteed marnaba looma dul-qaadan karo,” ayay Ilhaan barteeda Twitter-ka ku daabacday.

”Waxa ka dhacaya magaaladeena waa arrin ceeb ah, boolisku waa iney is xadidaan, bulshadeenuna waxay u baahantahay waqti ay ku dawoowdo.”

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this