Deeq A. Posted May 28, 2020 Kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ka qeyb-galeen laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen wasiirka wasaaradda amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa looga hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga magaaladaasi iyo guud ahaan gobolka Mudug. Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dilalkii iyo qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo sidii si wadajir ah looga wada shaqeyn lahaa sugida amniga. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in uu ballan qaadayo in Galmudug ay Puntland kala shaqeyneyso amnigaa Gaalkacyo iyo ka hortagga weerarada ay fuliyaan Al-Shabaab. Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay dhinaceeda dowlad goboleedka Galmudug kala shaqeneyso sugida amniga guud ahaan gobolka iyo sidoo kale la dagaalanka dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro kala duwan, waxaana 17-kii bishan waqooyiga magaaladasi qarax ismiidaamin ahaa lagula dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur. View the full article Share this post Link to post Share on other sites