Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu dilay sarkaal ka tirsan Booliska oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online)- Wararka ka imaanayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax lala eegtay  ciidamo boolis ah.

Qaraxa ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, wuxuuna ahaa nooca Gawaarida lagu dhajiyo.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa waxaa lahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska oo magaciisa lagu soo koobay Jabriil, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaaan inuu halkaas ku geeriyooday.

Qaraxa ayaa la sheegay in loogu xiray gaarigiisa waxa uuna si gaara uga dhacay inta u dhexaysa Guriga hooyooyinka iyo Hotel Muna.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta gaaray waxa ayna xireen iska socodka dadka iyo gaadiidka agagaarka qaraxu ka dhacay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo xilka uu haayay sarkaalka qaraxa lagu dilay ee lagu magacaabo Jaabiri.

Booliska Soomaaliya weli kama hadlin weerarkaan  sidoo kalana weli ma jirto cid sheegatay inkastoo loo badinayo inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab oo looga bartay weerarada noocaan oo kale ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this