Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo xaalad dagaal gelineysa dalka ka hor inta aan laga gaarin doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay saraakiisha Milateriga Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay damacsan yihiin in dalka ay geliyaan jawi dagaal ka hor doorashooyinka dalka

Duulaanka ka dhanka Al-Shabaab ayaa la filayaa inuu ka billowdo ilaa afar maamul gobaleed oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Goballada la filayo in duulaanka ka billowdo ayaa waxaa kamid ah Shabeellada hoose, Galgaduud, Shabeellada dhexe, Jubada Dhexe oo ka kala tirsan dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Saraakiisha militariga ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid la doonayo in Shabaab looga xoreeyo deegaano badan ka hor inta aan madaxda hadda jirto waqtigu ka dhammaan, hase yeeshee mucaaradka ayaa rumeysan in dano kala lala leeyahay.

Xildhibaanada mucaaradka qaarkood ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qorshahan ka dhanka Al-Shabaab uu yahay mid la doonayo in doorashada dib loogu dhigo si beesha caalamka iyo Soomaalida kale looga dhaa-dhiciyo in dalka ay ku faran tahay saddex arrin oo kala ah. Covid-19, Fatahaado iyo Jawi dagaal.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Soomaaliya oo ay ka harsan tahay muddo 6 bil oo kaliya lamana oga sida ay ugu suurta geli doonto arrintaas.

Si kastaba, militariga ayaa ku adkaystay in arrintasan ay tahay mid amni oo aan siyaasad ku lug lahayn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this