Sign in to follow this  
Deeq A.

Janan oo hub iyo lacag laga soo siiyay Nairobi oo dhoola-tus ka wada Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa muddo kadib dib ugu soo laabtay xerada Banyooley oo ka tirsan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, gaar ahaan xuduudda Kenya, kadib markii uu safar muddo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Janan uu la yimid hub iyo lacag islamarkaana uu dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay gobalka Gedo.

Ugu yaraan 100 qori oo AK47 ah, rasaas farabadan iyo mushaarka muddo saddex ilaa laba bil ah ayaa la sheegay in laga soo siiyay Nairobi, waxa uuna dhaq dhaqaaq kawadaa aagga dagaal ee Beladxaawo.

Dad goob joogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay dhowr jeer ay maqleen rasaas lagu sheegay dhoola-tus, halka qaar kale ay sheegeen in ciidankiisa ay sameynayeen Dab rid, taas oo abuurtay baqdin xoog leh.

Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war qabaan dhaq dhaqaaq ciidan ee wasiir Janan islamarkaana ay diyaar u yihiin wax ay ugu yareen is-difaac.

Dadka degaanka ayaa ka cabsi qaba in markale gobalka ka dhacdo dagaal muddo bilo ah ay daganaansho ka jirtay kadib. Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya kal hore ku eedeysay in gobalka ay ka wado xasiloonin darro amni iyo mid siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this