Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Werwer Xoggan Ka Muujisay Hub Ay Sheegtay In Dawladda Masar Ugu Deeqday Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa werwer ka muujisay Hub ay sheegtay in dawladda Masar ugu deeqday Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in arrintani waxyeelayso Xasilloonida gobolka.

” Dawladda Somaliland waxay aad uga walaacsantahay u hogaansan la’aanta dawladda Soomaaliya ee xanibaadda hubka. waxa aan cabaaraynaynaa dawladda masar ku xadgudubka cunuqabataynta hubka Somalia. tani waxay keenaysaa khatar xagga amniga iyo deganaansha aha gobolka”.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo aan khadka Telephone-ka kula xidhiidhay isagoo Ceel-Afweyn ku sugan ayaa ii sheegay in ay werwer weyn ka qabaan Hubka Soomaaliya lagu caawinayo sida uu hadalka u dhiggay.

101369404_243301003758452_49674488067789 1.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this