Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo dilay 10 Al-Shabaab ah kadib dagaallo culus oo dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaano kala hoos taga magaalooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kadib dagaallo culus oo dhex maray saacadihii la soo dhaafay.

Khasaare kala duwan ayaa la sheegay in uu ka dhashay dagaalkaas, waxayna dad ku sugan magaalada Jalalaqsi noo sheegeen in deegaanada lagu dagaalamay ay ka mid yihiin Afcad, Ceelbacad, iyo Abooreey oo kala hoos taga magaalooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalka waxayna sheegeen in weerarro culus oo ay ku qaadeen Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen khasaare kala duwan.

Dhame Cabdulqaadir Cali Nuur oo ah Taliyaha ururka 41-aad ee guutada shanaad ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay dagaalkaas uga dileen illaa 13 dagaalame.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaano dhowr ah, isla markaana ay ka furteen hub iyo saanad ciidan.

Al-Shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah kasoo saarin dagaalka ka dhacay Hiiraan ee guulaha ay ka sheegteen militeriga Soomaaliya.

Taliska qeybta 27aad ee militeriga Soomaaliya oo fadhigiisu yahay gobolka Hiiraan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la bilaabi doono howlagallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this