Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo shirkadda Twitter+Halka Sartu ka qudhuntay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkaddan oo markii ugu horreysay turxaan bixin ku sameyneyso qoraal uu Trump soo dhigay

Madaxweyne Trump wuxuu ku eedeeyay Twitter inay faragelineyso doorashada dabayaaqada sannadkan la filayo inay ka dhacdo MareykankaMadaxweyne Trump wuxuu ku eedeeyay Twitter inay faragelineyso doorashada dabayaaqada sannadkan la filayo inay ka dhacdo Mareykanka

Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo shirkadda Twitter kaddib markii ay sheegtay in qoraallada uu soo dhiga bartaas ay noqon karaan kuwo marin habaabin ah.

Shirkadda waxay markii ugu horreysay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sameyneyso turxaan bixin.

Trump ayaa sheegay in codeynta doorashada dhanka boostada la dhici karo, waxna si sharci darro ah looga baddali karo isla markaana si sharci darro ah loo daabaci karo.

Shirkadda waxay digniin ka bixisay qoraalkaas oo ay ku sheegtay inay u adeegsaneyso xeerka looga hortaggayo wararka been abuurka ah.

Trump ayaa ku jawaabay in shirkadda ay “gabi ahaanba caburineyso xoriyatul qowlka”.

Twitter-ka wuxuu qoraalka Trump hoostiisa soo dhigay qoraal uu akhristayaasha ugu sheegayo inay “eegaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan codeynta doorshada ee dhanka boostada.”

There is NO WAY (ZERO!) that Mail-In Ballots will be anything less than substantially fraudulent. Mail boxes will be robbed, ballots will be forged & even illegally printed out & fraudulently signed. The Governor of California is sending Ballots to millions of people, anyone…..

— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) May 26, 2020

Shirkadda waxay ballan qaaday inay sare u qaadi doonto digniinta ka dhanka wararka been abuurka ee la soo geliyay bartaas, balse waxay u muuqatay mid ka gaabisay in tallaabo ay ka qaado madaxweynaha Mareykanka.

Waxay sidoo kale horraantii bishan dib u eegis ku sameysay xeerarka ay kaga hortageyso wararka marin habaabinta ah.

Muxuu ku jawaabay Trump?

Sida ku xusan qoraallada cusub ee uu soo dhigay Twitter-ka, Trump wuxuu ku eedeeyay shirkadda in ay faragelineyso doorashada Mareykanka ka dhaceyso 3 bisha Nofeembar ee sannadkan.

Wuxuu yiri: “Haddii aan ahay madaxweyne ma aqbalayo in arrintaas ay dhacdo”.

Dhanka kale, madaxa ololaha doorashada u qaabilsan Trump ayaa dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka ku tilmaamay “wado eexasho siyaasadeed” in ay tahay.

Weriyaha BBC-da ee Teknooloojiyadda ayaa kusoo warrameysa in madaxweyne Trump uu barta Twitter-ka u adeegsado in uu dagaal siyaasadeed kula galo siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka caanka ah ee ka soo horjeeda. Haddana wuxuu u muuqdaa in uu dagaal la galay shirkadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this