Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad hor leh oo Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Isku duwaha waaxda caafimaadka Cadaado, Cabdi Xasan Fooljaawe oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda adag ee magaaladaasi.

Fooljaawe ayaa xaqiijiyey in laba qof oo hore leh ay cudurka Coronavirus ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale isku duwaha waaxda caafimaadka ee Cadaado ayaa tilmaamay in labada qof ee geeriyootay ay kala yihiin rag iyo dumar.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaaladaasi.

Qoor-Qoor ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, iyagoo u kuur-geli doono xaaladaha ka jira degmada Cadaado ee ka dhashay Covid-19.

Halkaan hoose ka dhageyso codka isku duwaha waaxda caafimaadka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-1-kiisaska-cadaado-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this