Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo la wareegtay baraha koontarool ee Magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug ayaa ciidamada ammaanka ku wareejisay koontaroolada Gaalkacyo oo markii hore ay joogeen maleeshiyo beeleed.

Wasiirka amniga maamulkaasi, Axmed Macalin Fiqi, senataro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kormeeray koontaroolada lagu wareejiyay ciidamada Booliska iyagoo kula dardaarmay in ay bulshada ula dhaqmaan si wanaagsan.

Koontarooladaan ayaa waxaa hore u maamuli jiray maleeshiyo beeleedyo waxa ayna bulshadu kala kulmi jireen dhibaatooyin badan.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Galkacyo-by-isbaro-no.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this