Sign in to follow this  
Deeq A.

Keena oo quus ka muujisay kiiska badda ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoraya in Kenya ay ku guul darreysatay inay Soomaaliya heshiis saaxiibtinimo la gaarto.

Daily Nation ayaa xusay in Soomaaliya ay cuskaneyso qaynuun-gudeedkooda oo ay ku jiraan charciga dhul-badeedka ee 1972-kii iyo xeerka aag biyeedka ee 1989 ay Soomaaliya u gacan-gelin karto aagga lagu muransan yahay, taas oo ay sii dheer tahay in Kenya malaayiin doollar ay ku bixin doonto mag-dhow ay siiso Soomaaliya.

Kenya waxay ku dhowaad 29 milyan oo Dollar ku khasaarisay wada-xaajoodka oo 50 xubnood ay ku matalayeen, halka Soomaaliya ay ka socdeen 2 xubnood oo kaliya.

Wargeysku ma sheegin lacagtaas sida ay ku baxday, waxaase suuragal ah in laaluushna uu ku jiro.

Warbixinta waxay sheegeysaa in Kenya ay niyadda gashatay in kiiska badda uu yahay mid sahlan, madaama ay Soomaaliya u aragtay dal guul-darreystay’ oo aan arrinta xajmigan leh maaro u heynin.

Sida ay warbixintu ka xiganeyso ilo dowladda ka tirsan, Kenya waxay muujisay doqonimo billowgii muranka, waxayna iska dhaadhicisay inay lacag badan sameyn karto, halkii ay danaha qaran ka fikiri lahaayeen, taas oo ka dhigan inay Kenya rumeysneyd in tabar-darrida Soomaaliya ay u sahli karto inay badda qaadato, dhaqaale badanna ka sameyso.

Wargeyska wuxuu qoray in haddii Kenya ay ku guul-darreysato dacwadda badda aysan ka dhigneyn in Soomaaliya ay bandhig wanaagsan la tagtay maxkamadda caddaaladda (ICJ), balse ay eersaneyso damac, hunguri weyni iyo karti-la’aan cuuryaamisay dadaalkeeda.

Hab-dhaqanka Kenya ee ku aadan muranka badda ee ay ku dooneysay in looga baaqsado in arrinta maxkamadda horteeda lagu dhameeyo ayuu wargeysku tilmaamay inuu ka muuqday rajo-beel, argagax iyo diyaar-garow la’aan halkii ay ka muujin lahaayeen ad-adeeg iyo kalsooni.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this