Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxayo qaraxyo ka dhacay Gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen weeraro qaraxyo ah oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso oo ciidamada Itoobiya lagula beegsaday duleedka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sababay khasaare soo gaaray ciidamadaasi, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamadaan qaraxa lala eegtay ayaa ka ambabaxay degmada Bardaale, waxaana ay ku sii jeedeen dhanka degmada Qansaxdheere ee isla gobolka Baay.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ka soo gaaray qaraxyadaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi qaraxyada ah ayaa baahisay inay ku gubtay gaari Uuraal ah oo ay lahaayeen ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyo iyo weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this