Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID 19 Ee Somaliland Oo Korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Caafimaad Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah markale shaacisay inay diiwaan-gelisay dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus, kadib markii baadhitaano kala duwan oo lagu sameeyay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 8 qof oo hor leh laga helay Cudurka COVID-19, kuwaasi oo la qaaday dhiicaano, kadibna la ogaaday inay qabaan Cudurka.

Dadka helay Cudurka oo iskugu jira rag iyo Dumar ayaa dhammaantood waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa lagu amray inay si Deg deg ah u galaan xaalad karantiil ah, si ayna u faafin Cudurka.

Waxaa kaloo Wasaaradda Caafimaadka qoraalkeeda lagu sheegay in Cudurka ay ka bogsatay laba qof oo uu hore uga dhacay, kuwaasi oo la tilmaamay in xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka ee Somaliland ayaa gaadhay 208 qof, waxaana halkaas Cudurka ugu dhintay 17 qof, halka 23 qof kalena ay ka bogsadeen, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this