Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka: Liibaan Xaaji Maxamed oo lagu soo oogay dacwado la xiriira Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Nin isku heysta dhalashada Mareykanka iyo midda Soomaaliya ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ka shaqeenayey qorsita dhallinyaro ku sugan dalka Mareykanka oo ku biira kooxda Al-Shabaab.

Liibaan Xaaji Maxamed ayaa waxaa isagoo maqane ah ayaa waxaa kiiskiisa laga furay Maxkamad heer Federaal oo ku taalla gobolka Virginia.

Liibaan ayaa muddo 8 sano ah ka maqan dalka Mareykanka, iyadoo la aaminsan yahay inuu Mareykanka ka baxay 5-tii Luuliyo sanadkii 2012.

Liibaan oo 34 jir ah ayaa lagu eedeeyey inuu si weyn u ammaano kooxda Al-Shabaab si uu dhallinyarada Mareykanka ku nool ugu dhiiro geliyo inay ku biiraan kooxda ka dagaalanto gudaha Soomaaliya, sida laga hor caddeeyey qoraallada maxkamadda.

Eedeynta ay xeer ilaalinta usoo jeedisay Liibaan ayaa ah inuu maleegeyey shirqoolo halis ah oo laga fuliyo gudaha Kenya iyo sidoo kale inuu yahay nin aftahan ah oo ay u fududahay inuu dhallinyarada ka dhaadhiciyo fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Liibaan ayaa lagu eedeeyey inuu saaxiib dhow la ahaa Zachary Chesser oo lagu xukumay 25 sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyey inuu agab u diray kooxda Al-Shabaab.

Muddo badan oo la waayey kadib, xogtiisa ayaa waxaa loo gudbiyey hay’adda dambis baarista Mareykanka ee loo yaqaan FBI, waxayna kiiska wiilkaan lasii kaashaneysaa Booliska Caalamiga ee Interpol.

Booliska Caalamiga ee Interpol ayaa bishii July ee sanadkii 2012 soo saartay ogeysiis cas oo lagu raadinayo Liibaan oo lagu sheegay inuu yahay baxsad.

Hey’adda FBI ayaa sanadkii 2015 madaxa wiilkaan dul dhigtay lacag gaareyso illaa 50 kun oo Dollar, waxaana loo ballan qaaday in la siin doono cid kasta oo keento xog lagu qaban karo ama lagu dili karo.

Liibaan Xaaji Maxamed ayaa ugu dambeyn lagu daray liiska argagixisada, waana tan kordhisay in la raadiyo.

Warbaahinta Mareykanka oo ka hadashay xukunka ay maxkamadda ka gaartay wiilkaan labada Dhalashada heysto ayaa sheegtay in Liibaan uu ku xiran yahay Soomaaliya iyadoo aysan Soomaaliya iyo Mareykanka ka dhaxeyn sharciga isu dhiibidda dadka la baadi-goobayo.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin kiiska Liibaan Xaaji Maxamed oo ay si weyn u hadal hayaan inta badan saxaafadda dalka Mareykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this