Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaaqo ka dhalatay nin madow ah oo ay Boolisku ciijin ku dileen

Recommended Posts

Deeq A.   

 

floyd.png

Dibedbaxyo rabshado wata ayaa kaas oo ay isku fara-saareen booliska iyo bulshadii dibadbaxeysay kadib markii booliska magaalada Minneapolis ay ceeji ku dileen nin madow ah oo lagu magacaabay George Floyd.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan booliiska magaaladiisa kuwaas oo ku lug-lahaa dilka ninkan oo kasoo jeeday qowmiyadda madowga ah.

Muuqaal laga duubay xilligii ay boolisku qabanayeen ninkan oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya Floyd oo dhulka yaalla islamarkaana uu ku kor fadhiyo askari kaas oo qoorta jilibkiisa kaga haya.

Codka marxuum Floyd ayaa laga dhex maqlayaa muuqaalka kaas oo uu ku leeyahay “Qoorta ayaa i xanuuneysa, mana neefsan karo” balse askariga dhag jalaq uma uusan siin.

Waxaa lagu dul fadhiyay muddo 5-10 mirir u dhaxeysa, ilaa ay nafta ka baxdo.

Floyd oo shaqo ahaan ka shaqeyn jiray waardiyenimo ayaa booliska loogu yeeray xilli looga shakiyay farsameyn kaar ama wax is dabamarin.

Dhacdadan ayaa sababtay in ay kacaan qaar ka mid ah shacabka magaalada Minneapolis kuwaas oo uu boolisku u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.

Muddooyinkan dambe ayaa waxaa Mareykanka kusoo badanaya kiisaska boolisku ku lug-leeyahay ee lagu dhibaateynayo dadka aan caddaanka aheyn ee u badan kuwa asal ahaan Afrika kasoo jeeda.

floyd1.jpg floyd2.jpg floyd3.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this