Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Al-Shabaab ahaa oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay ee K/Soomaaliya.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah ciidamadu ay uga fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Xariima oo hoos yimaada degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay iska hor imaad kala kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi lagu dilay illaa labo xubnood ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo Meydadkooda lagu soo bandhigay degmada Diinsoor.

H-750x430-1.jpg

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu ku dhaawacmay Abaanduulaha ciidamada Koonfur Galbeed, Taliyow Macalin Ibraahim, kaas oo haatan lagu dabiibayo xarun caafimaad ku taalla gudaha magaaladaasi Diinsoor.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada huwanta ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay weli dha qdhaqaaqyo ciidan ka wadan deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this